Qaraxyo waa weyn oo laga maqlay xerada ciidamada Itoobiya ee Ugu weyn Soomaaliya

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dab uu qabsaday Xero ciidamada Itoobiya ku lahaayeen.

Dabka ayaa ka kacay goobta ciidamada ay degganaayeen,qiiq iyo uuro xerada ka baxeysay markii dabka uu kacay.

Warar ayaa sidoo kale sheegayey in qaraxyo laga maqlayey xerada gudaheeda kadib markii uu Bakhaarka hubka yaallay dabka uu gaaray.

Ilo wareed aan helnay ayaa sheegaya in Dabkaan uu ahaa mid khasaaro geystay balse tiro koob aan laheynin.

Taliska Ciidamada Itoobiya,ee Baydhabo jooga ayaa waxay ka gaabsadeen ka hadalka dabkii xeradooda ka kacay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com