Muuqaal sir ah oo laga duubay nin ka shaqeeya dalabaadka oo cuney cunto uu geynayay

Waxaa shaqada laga eryay nin ka shaqeeya shirkad qaabilsan dalabaadka cuntooyinka ee macaamiisha guryaha loogu geeyo, kadib markii aad loo faafiyay isaga oo cunaya cunto baakadeysan oo uu geeynayay, kadibna uu dib u daboolay hambadii cuntada.

Markii hore dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muuqaalka ku tilmaamay mid yaqyaqsi leh, islamarkaasna muujinaya anshaxa xumo.

Balse markii shirkaddii ay ceeyrisay ninkii ayuu markaliya dareenka dadka is badalay, waxayna u muujiyeen sida ay uga xunyihiin xaaladiisa.

Dadka ayaa waxa ay sheegeen in shaqaalaha ay saacado badan shaqeeyaan, mushaarkooda uu yaryahay, islamarkaasna laga yaabo in ay baahi u geysay.

Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya hawshan ayaa sheegay in dhibaato badan iyo mushaar yari ay la kulmaan.

Shaqo la’aan ba’an ayaa ka jirta Hindiya, iyada oo sannad kasta ay suuqa shaqada kusoo biiraan 8 milyan oo qof oo cusub oo shaqo doon ah.

Shirkadda Samato ayaa sheegtay in ay u shaqeeyaan illaa 15 kun oo qof.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com