Maxay isu madoobaynayaan dumarkan midabkoodu cadyahay?

Wax qaliin ah laiguma sheegin, marka bishimahaan iskama bixinaayo.

Gabadhan oo magaceedu yahay Aga Brzostowska, ayaa waxa loogu magac daray “Blackfish” oo loola jeedo qof dadka ku ilduufaya midabkeeda.

Waa magac loo isticmaalo dadka iska dhigo inay yihiin kuwa madow ama ka soo jeeda qoysaska madowga iyo caddaanka is guursaday ee isticmaala baraha bulshada.

Gabadhan waa 20 sano jir, waxayna wax ka barataa Jaamacadda Birmingham, Raadiyaha 1 Newsbeat ayey u sheegtay in midabkeeda uusan ahayn caddaan, balse ay qirsantahay in iyada ay dooratay inay midabkeeda madoow ka sii dhigto.

Alicja waxa ay ka mid tahay gabdhaha wax ku xayeysiiya baraha bulshada ee lagu eedeeyey inay midamkooda baddelaan si ay isugu ekeesiyaan dadka madoowga ah.

Emma Hallberg, waxa ay u dhalatay dalka Sweden, waxaa ku taxan taageerayaal gaaraya 260,000 barteeda Instagram-ka.

Kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyey laba ka mid ah sawiradeeda ayey bilawday inay isdifaacdo.