Labo shaqsi oo caanka ah dunida oo Soomaalida siweyn u tageeraan oo dhigatay aroos mar la arag ah

Xiddigta caanka ah ee ka tirsan aflaanta Bollywood-ka ayaa la aqal gashay heesaa caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Nick Jonas.

Arooskan taariikhiga ah ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Rajasthan ee dalka Hindiya dhamaadkii todobaadkii tagay.

Taashka ama dharka arooska ee loo xiray atiriishadan ayaa waxa lagu baahiyey barta Instagram-ka.

Naqshadaynta dharka arooska ee loo xiray ayaa soo jiitay dadkii ka soo qaybgalay xaflada arooska.

Jonas iyo Chopra ayaa meherkooda waxa uu dhacay xagaagii la soo dhaafay ee sanadkan.

.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aragtiya kala duwan ka dhiibtay habka loo sameeyey taashkan, kaas oo aad dheeraa.