Jubbaland oo Dastuurkeeda ka saareysa Qodob ka hadlaya Xiriirka ay la leedahay Dowlada Dhexe

Baarlamaanka Maamulka Jubaland ayaa ku kala qeybsamaya in qodob ka mid ah dastuurka maamulkaas la laalo.

Qodobkan oo ah midka 93aad ee Dastuurka Jubaland ayaa ka hadlaya wada shaqeynta iyo xiriirka dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedka Jubaland.

Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Jubaland ayaa lagu eedeeyay in ay doonayaan in qodobkaas laga saaro dastuurka Jubaland.

Arrintan ayaa dood ka dhalatay waxaa ay sababtay in Baarlamaanka uu ku kala qeybsamo islamarkaana uu soo boxo khilaaf cusub oo u dhaxeeya Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo ka mid ah Baarlamaanka Jubaland ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in qodob aysan xildhibaannada dood ka yeelan haddana helin codka ugu badan ee xubnaha Baarlamaanka uu qasab ku meel marinayo.

Waxaa uu sheegay in qodobka markii la horgeeyay Baarlamaanka ay doorteen in cod laga doodo,hayeeshee intii ay doodda socotay uu Guddoomiyaha Baarlamaanka istaagay oo amray in cod la geliyo.

Xildhibaan Buulle ayaa sheegay in 55 Xildhibaan oo kulanka fadhiday ay 35 ka mid ah diideen,20ka kalena aqbaleen,laakiin Guddoomiyaha uu sidaas ku sheegay in uu ansax yahay qodobkaasna laga saarayo dastuurka Jubaland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com