Facebook oo ku fashilmay heshiisyada qarsoodiga ah ee xogta macaamiishiisa

Iimeylada ay qoreen madaxa Facebook iyo ku xigeennadiisa ayaa muujinaya in shirkaddu ay dhibaato uga timid heshiisyada qarsoodiga ah ee ay qaar ka mid ah shirkadaha ugu oggolaatay xogta dadka isicmaala Facebook, halka ay kuwo kalena u diidday.

Keyd dukumentiyo gudaha ah ayaa barta online-ka lagu daabacay sida uu sheegay guddi baarlamaani ah.

Wuxuu guddigu sheegay in feylasha ay muujinayaan in Facebook uu si ula kac ah ugu adkeeyay macaamiishiisa inay la socdaan is beddellada lagu sameeyay xogaha gaarka ah ee app-kiisa Android-ka.

Facebook ayaa cabasho ka muujiyay shaacinta dukumentiyadaas.

Wuxuu sheegay in dukumentiyada lagu soo bandhigay qaab aan wanaagsaneyn.

Iimeylada ayaa laga helay madaxa Six4Three – oo ah shirkad software – awaxaana shaaciyay guddiga warbaahinta, taas oo qayb ahayd baaritaanka uu ku sameynayay wararka been abuurka ah.

Ilaa 250 bog ayaa la daabacay, kuwaasoo qaarkood lagu calaameeyay inay yihiin sir.

Damian Collins oo ah madaxa guddiga ayaa dhowr arrimood ku sheegay horudhaca warbixintiisa.

Wuxuu qoray in:

  • Facebook uu shirkadaha qaar u oggolaaday inay si buuxda u helaan xogta saaxiibbada dadka isticmaala xitaa kaddib markii uu ku dhawaaqay in is beddello uu ku sameeyay qaabka uu u shaqeeyo sanadihii 2014/2015 kuwaasoo lagu xaddidayo waxa ay shirkaduhu arki karaan. “Ma cadda in oggolaasho laga helay dadka isticmaala, iyo sida uu Facebook u go`aansaday shirkadaha loo oggolaanayo,” ayuu Collins ku qoray warbixintiisa
  • Facebook wuu ka war hayay in muran uu ka imaan doono is beddelka uu ku sameeyay app-ka Android-ka ee sababtay ururinta wicitaannada iyo farriimaha dadka isticmaala. “Si uu sumcaddiisa u ilaashado, Facebook wuxuu qorsheeyay inuu ku adkeeyo macaamiishiisa inay ogaadaan arrintan,” ayuu yiri Collins
  • Facebook wuxuu isticmaalay xogta ay bixisay shirkadda falanqeynta Isra`iil ee Onavo si uu u go`aansado app-yada mobile-ka ee ay bulshadu soo dejisatay ayna isticmaashay. Waxay kaddib xogtan u isticmaashay inay ku go`aansato app-yada loo baahan yahay iyo kuwa loo aqoonsanayo inay khatar yihiin
  • Waxaa jirtay caddeyn ah in Facebook uu diiday inuu app-yada qaarkood la wadaago xogta dhibka u keentay

Facebook ayaa sheegay in Six4Three ay soo qaadatay dukumentiyada iyagoo sheeganaya inay ka bixiyeen xog muhiim ah.

Wuxuu shirkadaha qaarkood u oggolaaday inay u dhacaan xogta macaamiishiisa.

NetflixLahaanshaha sawirkaNETFLIX
Image captionNetflix ayaa macaamiisha Facebook ogeysiisa waxyaabaha ay soo dhigaan ee aadka loo akhristo

Waxaa ka mid ah:

  • Barta lagu haasaawo ee Badoo, its spin-off Hot or Not, iyo Bumble – oo ah bar kale oo lagu haasaawo oo ay Badoo leedahay
  • Shirkadda gawaarida ee Lyft
  • Barta muuqaallada laga daawado ee Netflix
  • Shirkadda guryaha kireysa ee Airbnb

Si kastaba, kuwa kale waxaa ka mid ah shirkadda tikidyada jarta ee Ticketmaster, barta muuqaallada kooban ee Twitter-ka, Vine iyo shirkadda gawaarida ee Airbiquity.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com