DHAGEYSO: General Indho Qarshe Oo Bahdilay Shakhsiyaad Mas’uuliyiin Ah Oo Ciidanka Kala Heyb Sooca

Ciidamo Katirsan Meliteriga Soomaaliya ayaa waxa maanta Tababar Loogu soo xiray Magaalada Muqdisho oo muddo dhiboow ku jiray.

Askartaan ayaa qeyb ka ah Ciidan Kale oo dawladu ay diyaar garoow ugu jirto sidii ay ugu weerar qaadi laheyd deegaanada ay Ka joogaan Al Shabaab Gobollada Soomaaliya.

Dugsiga Tababarka Ciidamada General Gordan ayaa la sheegay in askar badan loogu soo xiray Tababarka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa waxa uu ka sheegay xiritaanka tababarkaasi inay muhiim tahay u adeegida shacabka.

Waxa uu si maldahan ula hadlay Maamul Gobolleedyada iyo Shakshiyaad uusan carabaabin oo kala sooc heyb ku sameeya Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale Taliye Indho Qarshe ayaa ka hadlay Dagaal siyaabo kala duwan Gobollada dalka kaga socda sheegayna in Al Shabaab loo diyaar garoobay sidii Looga xoreyn lahaa Halkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com