DHAGEYSO: Diyaarado Duqeyn Culus Ka Geystay Gobolka Hiiraan & HirShabelle Oo Afka Furatay

Faah faahinada laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in khasaaro uu ka dhashay Duqeyn ka dhacday Maanta Barqadii Deegaanka Maxaas.

Labo Diyaarad oo joog hoose ku duuliyey waxay dhowr gantaal la dhaceen Tuulada Januribad oo Hoostaga Degmada Maxaas.

Diyaaradaha Dagaalka ayaa waxay duqeyntaas ku beegsadeen dad Shacab aan waxba galabsan oo Tulladaas ku dhaqan.

Seddex Gantaal ayaa ku dhacay Deegaanka oo gaari dameer waxyeelo kasoo gaartay sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Maxaas Maxamed Cali.

Waxa uu gudoomiyuhu ka xumaaday duqeynta indho la’aanta ah Ee Diyaaradaha shisheeyaha aysan shacabka ku baabi’n.

Ilaa hadda lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeynta geystay,iyadoo inta badan weerarada nuucaan ah ay fuliyaan Diyaaradaha Mareykanku leeyahay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com