Dagaal Beeleed Dib Uga Dhex Qarxay Beelaha Biya Maal & H/Gidir,Afduub Lasoo Warinayo

Dagaal Beeleed ayaa laga soo sheegayaa inay dib uga qarxeen Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo dhiilo colaadeed hadda la dareemayo.

Tuulooyinka Lambar Konton,Maracade ilaa Laanta Buuro ayaana xiisada Colaada ay hadda ka jirtaa,markii Maleeshiyaad halkaas wada degga ay is fara saareen.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Maleeshiyaad ka amar qaata Sargaal katirsan Meliteriga oo lagu Magacaabo General C/llaahi Waafoow Maxamuud Ay Dileen wiil Ari Raac Ahaa,islamarkaana ay qaarna laayeen Xoolihii kuwo kalena ay wateen.

Lama sheegin meesha lala Aaday Ariga oo 500 neef tiradooda lagu sheegay sida uu ku waramay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Maracade,oo Laanta buuro udhaw seheegayna in Xoolahaas iyagu ka maqan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Sargaalka la eedeeyey,C/llaahi Waafoow Gudoomiyihii Hore Ee Deegaanka Lambar Konton.

Sidoo kale Ma jirto wax war ah oo Dagaal beeleedkaan kasoo saareen Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose,xilli waayahaan dagaal beeleedku kayara degganaa Gobolkaasi.

Beelaha Biya Maal & Habar Gidir ayaa waxay dhowr jeer dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray,Marka,Lambar Konton,Waa cuneynaa waa cabeynaa,iyo deegaanada ku dhaw.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com