Gabadha go’aanka ka gaarta ninkii doonaya inuu xaas labaad yeesho(waa tuma gabadhaas)

Sharciga islaamka, oo sidoo kale loo yaqaanno shareecada islaamka ayey dadka qaar ku dhaliilaan inuu ciqaab adag yahay. Laakiin mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay ee dalka Malaysia ka noqda garsoore maxkamadda sare ayaa sheegeysa in doorkeeda shaqo uu siinayo fursad ay haweenka xuquuqdooda ugu ilaaliso waddan ay muslimiinta ku badan yihiin.

Garsoore Nenney Shushaidah waxay maalin kasta qaaddaa in ka badan shan dacwadood waxayna usbuuciiba dhageysan kartaa ilaa 80 dacwadood oo maxkamaddeeda loo soo gudbiyo.

Ku dhaqanka shareecada islaamka wuu ku sii xoogeysanayaa Malayasia, ayadoo la adeegsanayo nidaam sharci ah ayeyna kumannaan ruux ku xallistaan arrimahooda qoyska.

Dadka aan muslimka ahayn ayaa looga baahan yahay iney raacaan sharci ka duwan midka dowladda oo arrimahooda lagula tacaalo.

Dalka Malaysia ayaa diinta islaamka ugu dhaqma hab dhexdhexaadnimo ah, laakiin dadka u janjeera dhinaca diinta ee mayalka adag ayaa muddooyinkan ku sii xoogeysanayay waddankaas.

Ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ka carooday dhacdo dhawaan lagu karbaashay labo haween ah oo u dhashay Malaysia, kuwaasoo lagu helay dambi ah iney isku dayayeen iney iyagoo haween ah gogol isla wadaagaan.

Kooxahan ayaa sheegay in badanaa shuruucda islaamka si khaldan loo adeegsado.

Shushaidah waxay go’aanno ka gaartaa dacwad walba laga billaabo kiisaska la xiriira arrimaha dhaqaalaha ilaa kuwa dadka gogol dhaafka sameeya.

Malaysia waa dal ay Muslimiintu ku badan yihiinLahaanshaha sawirkaJOSHUA PAUL FOR THE BBC

Laakiin kiisaska ugu badan ee ay khibradda fiican u yeelatay ayaa ah kuwa la xiriira carruurta la isku qabsado iyo ragga naagaha badan guursada – kaasoo ah sharci ay diinta islaamka ragga ugu oggolaato iney guursadaan ilaa afar haween ah, dalka Malaysiyana laga oggol yahay.

Garsoore Shushaidah ayaa sheegtay iney arrimo badan tixgaliso ka hor inta aysan ragga u oggolaanin iney xaas kale yeeshaan.

Iyadoo sharraxaad ka bixineysa xukunnadeeda ayey tiri “Kiis walba wuu adag yahay wuuna ka duwan yahay midka kale. Ma oran kartid diinta islaamka waxay awood siisay ragga dumarkana way duudsiisay xuquuqdooda… waxaan rabaa inaan saxo khaladkaas la aaminsan yahay”.

Nenney Shushaidah oo xiranaysa labiska garyaqaannadaLahaanshaha sawirkaJOSHUA PAUL FOR THE BBC

Dhammaan dadka ku lugta leh kiisaska ku saabsan guurka xaasaska badan ayaa laga doonayaa iney iska xaadiriyaan maxkamadda ay garsooraha ka tahay Shushaidah.

“Waxaan rabaa inaan qof walba dhageysto, ma aha ragga oo kaliya”, ayey tiri.

“Waxaan gaarsiiyaa heer aan xitaa haweenka ka dhageysto mowqifkooda si aan u ogaado haddii ay wax ku heshiiyeen. Waa muhiim iney isku afgartaan sababtoo an haddii aan arko wax calaamad ah oo muujinaysa ineysan is waafaqsaneyn, ma siinayo wax fasax ah”.

“Anigu dumar ayaan ahay waana fahmi karaa in dumarka intooda badan aysan arrintaas oggolaaneynin. Balse islaamku wuu oggol yahay, maxkamadaha dalkeenna Malaysiyana waxay xeerar adag u dajiyaan iney arrintan maareeyaan”.

“Ninku waa inuu sababo waaweyn u haysto inuu haweeney kale guursado”, ayey tiri.

“Waa inuu muujiyo sida uu u maareyn karo nolosha xaaskiisa hore iyo xaaska cusub ee ku soo biireysa. Looma oggola inuu qof dayaco”.

Garsoore Shushaidah waxay intaas ku dartay in xaasaska qaar ay taageeraan fikirka saygooda ee ah inuu xaas kale guursado.

Waxay dib u xasuusatay kiis ku saabsanaa haweeney aad u xanuunsaneyd oo aan awoodin iney carruur kale dhasho.

“Wey jecleyd seygeeda waxayna iga codsatay inaan u fasaxo xaas kale, waana ka aqbalay”.

Ardayad dhigata dugsi ku yaalla Medan, Indonesia oo quraan akhrinaysaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Waa maxay shareeco?

Shareeco waa nidaam islaami ah, oo lagu sharraxay Qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista laga soo wariyay Nabi Muxammad CSW.

Waxaa sidoo kale shreecada qeyb ka ah fatwooyinka ay go’aamiyeen culumada islaamka oo iswaafaqsan.

Dalka Malaysia, heerar kala duwan ayaa shareecada looga dhaqmaa waxayna gaarsiisan tahay dhammaan gobollada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com