Qorshe xilka looga tuurayo Axmed Madobe oo si xowli ah u socda (Dhageyso)

Wadamo ka mid ah Qaarada Yurub iyo Ameeriko ayaa waxaa ka socda wadatashi ay wadaan Golaha isbdel-doonka Jubbooyinka,bkuwaas oo doonaya in ay isbedel dhanka hoggaanka ah lagu sameeyo Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xubin ka mid ah Golahaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Maxamed Shiino,oo wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in ay weli Soomaaliya iyo Wadamo ka mid ah Yurub iyo Ameeriko ka wadaan shirar gooni gooni ah oo ka dhan ah Maamulka Jubbaland.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu yahay mid kaliya ku kooban Magaalada Kismaayo, isla markaana uusan aheyn mid ay u dhan yihiin dadka ku nool gobolada Jubbooyinka, sidaas daraadeedna ay wadatashi la sameynayeen dadka ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ee ku sugan Qaaradaha Ameeriko iyo Yurub.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com