DEG DEG: Shabaab oo ka hadlay Weerarka Tooska ah & Qaraxyada balse Hotel SYL & Villa Somalia oo…

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerar xooggan oo ka socda agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu howlgal ballaaran ka wadaan inta u dhaxeysa Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada oo ah goob ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyad, howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com