Gudoomiyaha G/Banaadir oo seefta Galka kala baxay Xil ka qaadisna ku bilaabay Madaxda Degmooyinka…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada Kaaraan iyo Xoghayihii degmadaas.

Masuuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa kala ah Guddoomiye ku xigeenki Amniga iyo Siyaasada Saalax Maxamed Muuse,guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada Cabduqaadir Cigale,iyo Xoghayihii degmadaas Maxamed Suudi.

Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa Magacaabay dadkii bedeli lahaa masuuliyiintii xilka laga qaaday,kuwaas oo Maanta la filayo in ay xilka la wareegaan.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan degmooyin kale oo masuuliyiintooda isbedel lagu sameeyey,waxana ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads