Donald Trump oo afur lagu “cidleeyay” ugu sameeyay Aqalka Cad qaar ka mid ah safiirrada muslimiinta: SAWIRRO

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka ee fadhiya magaalada Washington.

Danjirayaal 50 kor u dhaafaya ayaa afurka ka qeyb galay, walow warbaahinta ay sheegtay in afurkaasi sanadkan aan loo joogin sida kuwii sanadihii hore, waxaana ka maqnaa hogaamiyeyaal muslimiinta Maraykanka ka tirsan oo lagu marti qaadi jiray kuwaas oo sanadkan ka soo qeyb galin.

Kulankan afurka ah ayaa u muuqday mid cidlo ah marka loo eego kuu sannadkii hore ee uu madaxweynihii hore ee Obama u sameeyay muslimiinta.

Arrintan ayay dadka qaar u fasirteen sababta ka dambeysa in ay tahay in xiriirka Trump iyo muslimiinta uusan wanaagsaneyn, islamarkaana ay u arkaan nin cadow ku ah muslimiinta.

DAAWO KHUDBADIISA:

President Donald Trump sits down for an Iftar dinner, celebrating the Muslim holy month of Ramadan, in the State Dining Room of the White House Wednesday, June 6, 2018, in Washington. (AP Photo/Andrew Harnik)


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads