Dhageyso: Xogtii Ugi Dambeeysay Qaabka Gudoomiyaha Aqalka Sare loogu Bahdilay Garoonka Aadan Cadde..

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Maanta waxaa mudo kooban lagu xanibay afaafka hore ee laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho xilli uu doonayey in uu dalka ka dhoofo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Guddoomiyaha iyo Xubno la socday ayaa doonayay in ay aadaan dalka Kenya balse xilli ay marayeen afaafka laga soo galo Garoonka gaar ahaan Madiino Geyd ay celiyeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi ilaalo ka haya,iyaga oo u diiday in ay garoonka galaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u sheegeen in ay yihiin masuuliyiinta Golaha Aqalka Sare,isla markaana ay doonayaan in ay galaan Gudaha Garonka balse ay u diideen.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in halkaasi ay ku xayirnaayeen mudo 50 Daqiiqo ah oo hal saac ku dhow,hayeeshee AMISOM uu sheegay in maanta falka ay ku kacday aysan aheyn mid loo dul qaadan karo,isaga oo Xubnaha Aqalka Sare ugu baaqay in ay jawaab cad ka bixiyaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com